3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Somaliland oo ka hadashay wararka sheegaya in ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah
 

Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in anay xukuumada Somaliland waxba ka ogayn wararka sheegaya in qaxooti reer Afghanistan ahi Somaliland imanayaan, isla markaana aanay jirin xog rasmi ah oo xukuumadu arrinka warbaahinta ka siisay.

"Waxa laga yaaba in ay yihiin warar aan diblumaasiyada iyo saxafiyiinta soo dhaafin, lakin warka ah in Somaliland qaxooti Afghanistan ah qaabilayso, anagu warka mahayno, wararka laysla dhex marayaana waa warar aan wali ilo rasmi ah oo dhinacyada ah aan kasoo bixin" ayuu yidhi wasiir Koore.

Wakaalada wararka AFP ee laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa warbixin ay daabacday 27 bishan ku sheegtay in sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Somaliland, oo aan magiciisa la sheegin, uu u sheegay in Somaliland ay qaabilayso qayb ka mid ah qaxootiga reer Afghanistan.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/29/2021 10:56 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

8/29/2021 8:30 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Dagaal ka bilaabmay duleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba ay ka dheceen.

8/29/2021 8:17 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta hub iyo gaadiid dagaal ku wareejisay maamulka Galmudug oo dagaal xooggan kula jira ururka Alshabab, dagaalkaas oo ka socda deegaannada koonfurta Mudug.

8/29/2021 7:24 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si faahfaahsan uga hadlay baajinta xiisadii magaalada Baledweyne ka taagneyd iyo heshiis hordhac ah oo laga gaaray arintaasi.

8/29/2021 4:32 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - 40 qof oo Soomaali ah oo tahriibayaal ah ayaa lagusoo waramayaa in ay muddo dhowr cishe ah ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania, iyagoo loo diiday in ay safarkooda sii wataan.

8/29/2021 3:05 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dalka Turkiga tababar ugu soo xiray 49-gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

8/29/2021 1:49 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.