3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay
 

Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Koofur Galbeed ku leeyihin degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xoogan oo la iska adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay dadka deegaanka u sheegeen warbaahnta.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka kaga yimid Shabaab ciidamada Koofur Galbeedna ay wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Qansaxdheere.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/29/2021 10:56 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

8/29/2021 8:30 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Dagaal ka bilaabmay duleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba ay ka dheceen.

8/29/2021 8:17 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta hub iyo gaadiid dagaal ku wareejisay maamulka Galmudug oo dagaal xooggan kula jira ururka Alshabab, dagaalkaas oo ka socda deegaannada koonfurta Mudug.

8/29/2021 7:24 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si faahfaahsan uga hadlay baajinta xiisadii magaalada Baledweyne ka taagneyd iyo heshiis hordhac ah oo laga gaaray arintaasi.

8/29/2021 4:32 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - 40 qof oo Soomaali ah oo tahriibayaal ah ayaa lagusoo waramayaa in ay muddo dhowr cishe ah ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania, iyagoo loo diiday in ay safarkooda sii wataan.

8/29/2021 3:05 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dalka Turkiga tababar ugu soo xiray 49-gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

8/29/2021 2:18 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP.