4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay maandooriye tiro badan
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan khamri tiradiisu dhantahay 805 litir, ciidanka ayaa sidookale gacanta ku dhigay qayb kamid ah dadkii siday iyo baabuurtoodi.

"Waxaanu soo qabanay khamri tiradiisu ay dhantahay 28 kartoon oo kartoon kiiba ay ku jirto 24 litir oo khamri ah, oo noqonysa 672 litir, waxanu ku qabanay gaadhiga number kiisu yahay 35352 oo Calawi ah, waxa kale oo aanu qabanay 133 litir oo khamri ah oo saarnaa gaadhi Crown ah, number kiisuna yahay 47788" sida waxa yidhi taliye ka tirsan Booliiska Somaliland.

Taliyaha ayaa sidookale sheegay in ay qabteen qaar kamid ah eedaysanayaasha loo haysto in ay Somaliland usoo dhoofiyeen khamrigan isla markaana ay ku daba jiraan kuwo baxsad ah.

"Gaadhiga hore ee 133 saarnayeen waanu ku qabanay eedaysanayashii, gaadhigaa Calawiga ah iyo 672 litir waa na looga cararay, halkan dooxa ayaanu ku qabanay 4:30 am ayay ahayd, saldhiga ayuuna yaala, waanu aqoonsanay eedaysanayaashi waana nu ku daba jirna," ayuu yidhi taliyuhu.

Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa dagaal adag kula jira maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo Somaliland lagu soo galiyo sifo sharci daro ah.

Maandooriyaha ayaa badana laga keena dalka Itoobiya, waxana jira maandooriye aan badnayn oo kasoo gala waddamada kale ee jaarka.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]