3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Somaliland oo qaadanaysa qayb kamid ah qoxootiga reer Afghanistan
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Somaliland ayaa si ku meel gaadha ciideeda u dajinaysa tiro qoxooti reer Afghanistan ah, oo dowlada Maraykanku kasoo daad guraysay dalka Afghanistan kadib markii kooxda Taliban la wareegtay dalka.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, oon magiciisa la sheegin, ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in xukuumada Somaliland ay wada hadalo kula jirto dowlada Maraykanka sidi qayb kamid ah qoxootiga reer Afghanistan si ku meel gaadh ah loo dajin lahaa Somaliland.

"Waanu aqbalay in aanu qoxootiga reer Afghanistan u marti galino si ku meel gaadh ah" ayuu yidhi. Waxa kale oo uu sheegay in wali heshiisku aanu dhamaystirnayn, isla markaana loo baahay in la dhamaystiro adeegyada asaasiga ah, wuxu inta ku daray in anay wali ka heshiin wakhtiga uu qoxootigu imanyo Somaliland.

Dowlada Maraykanka ayaa raadinaysa goobo ay si kumeel gaadh ah u dajiso, qoxootiga reer Afghanistan ee ka cararaya xukunka Taliban, kuwaasi oo dowlada Maraykanku kasoo daad guraynayso madaarka Kabul. Waxa kale oo Maraykanku wada hadalo kula jiraa dalka Uganda oo uu doonayo in uu dajiyo qoxooti.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/28/2021 12:37 PM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Mudo 48 saacadood ah oo kulamo wadatashi ah oo xal loogu raadinayay xiisad ka taagneyd magaalada Baledweyne mudo todobaad ah ayaa galinkii dambe ee maanta heshiis hordhac ah laga gaaray.

8/28/2021 10:37 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan khamri tiradiisu dhantahay 805 litir, ciidanka ayaa sidookale gacanta ku dhigay qayb kamid ah dadkii siday iyo baabuurtoodi.

8/28/2021 7:59 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Somaliland ee magaalada Burco, ayaa saaka subixi u daatay guriga Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee magaalada Burco, waxayna guriga ku sameeyeen baadhis.

8/28/2021 3:37 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Maraykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah ku dilay madaxii Daacish ee qorsheeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee khamiistii ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan.

8/28/2021 3:29 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo dhaqangelinta howlgallada wadajirka ah ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), si kor loogu qaado amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee 2021.

8/28/2021 2:43 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Uganda ayaa sheegtay Jimcihii inay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo lala beegsan lahaa aas qaran oo loo sameeynayay taliye sare oo katirsanaan jiray AMISOM oo hogaaminayay weerarkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho sannadkii 2011.

8/28/2021 2:17 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ay yeesheen waxay heshiis kaga gaareen arrimaha amniga iyo ganacsiga, sida lagu sheegay war murtiyeed kasoo baxay shirkaas oo ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

8/28/2021 1:17 AM EST
Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Ciyaar adag oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku dhex mari doontaa garoonka Anfield, kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo labadii kulan ay horay u soo ciyaareen soo wada badiyay.