3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 27, 2021
Garowe: Saddex qof oo ku neef qabatimoobay kiimiko ka daadatay booyad nadaafadda ka shaqeysa
 

Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Saddex qof oo mid kamid ah uu yahay askari katirsan ciidanka booliiska Puntland, ayaa ku neef qabatimoobay kadib markii Booyad kuwa nadaafadda ka shaqeeyo ay kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara bartamaha Garowe.

Duqa magaalada Garowe, Axmed Barre, ayaa sheegay in ciidanka amniga  ay gacanta kusoo dhigeen oo xireen darawalkii watay, Booyada Kiimikada ka qubatay, taasoo laga lahaa Wershedda Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo dhowaan ku gubatay dab ka kacay gudaheeda.

Duqa magaalada ayaa sheegay in dadka waxyeeladu gaartay la dhigay isbitaalka guud ee Garowe, waxaana xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayaa askariga Booliska, kaasoo hadda Oxygen ay ku xiran yahay.

“Booyaddu ma ahayn mid loogu talo galay inay kiimikada qaado sidaa awgeed ayay dhinacyada ka dalooshantay. Dad badan oo laamiga ku ganacsanayey ama marayey ayaa ka sheegtay indho xanuun iyo dhuun xanuun, waxaa la sheegay in dadka qaar suuxeen,” sidaasi waxaa yiri duqa Garowe oo ka hadlay dhacdadan.

Ciiddanka dab damiska Garowe ayaa markii dambe Nadiifin iyo barxid ku sameeyay kiimikada qubatay, waxaana dadweynaha lagu wargaliyay in ay ka fogaadaan aagga waxyeeladu ka dhalatay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/27/2021 11:51 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - 35 askari oo katirsanaa ciidanka booliiska dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa kusoo biiray ciidanka booliiska Somaliland, ee magaalada Badhan, ee gobolka Sanaag.

8/27/2021 4:04 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kabxanleey oo dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar Maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen dad beeraleey ahaa oo ku sugnaa deegaankaasi.

8/27/2021 3:49 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyay hanti-dhowrka Puntland inuu ka degdeg ka muuqdo warbixin ay dhawaan soo saareen oo ay shaqada kaga joojiyeen masuuliyiin katirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

8/27/2021 2:59 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid deni, inuu boob aan loo meel dayin kula kacay doorkii ay beeluhu ku lahaayeen doorashada aqalka sare iyo tan aqalka hoose.

8/27/2021 1:48 AM EST
Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa beeniyay wararka sheegaya in ururka Alshabaab ay dib ula wareegeen deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.