4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 27, 2021
Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug oo madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu boob xooggan ku hayo doorashada aqalka hoose
 

Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid deni, inuu boob aan loo meel dayin kula kacay doorkii ay beeluhu  ku lahaayeen doorashada aqalka sare iyo tan aqalka hoose.

Kulan ay odayaashu ku yeesheen magaaalda Gaalkacyo waxay ku sheegeen in aanay  aqbali doonin in dowladdu sidii ay doonto ay ka yeesho doorashada soo socoto ee aqalka hoose, waxayna farriin u direen raysal wasaaraha.

“Maanta in la yiraahdo odayaashu door kuma leh, bulsho rayid ah ayaa wax lasoo xulaysa, nabad sugid baa wax la baaraysa, %20 ayay leeyihiin, kadibna dowladda ayaa awood u leh qofka ay rabto in ay soo saarto, qofka ay diidan tahayna reebto. Waxaasi macquul miyaa? Annagu kuraasta malxiis iyo maxlal ka noqon mayno" ayuu yiri nabadoon Yaasiin Cabdi Samad oo ahaa duqii hore ee Gaalkacyo.

Odayaasha waxay sheegeen in ay isku raaceen in doorashada xubnaha aqalka hoose ee kasoo galaya gobolka Mudug lagu qabto magaalada Gaalkacyo, si looga hortago waxay ugu yeereen shakiga ku saabsan in boob loo geysto doorashada.

Waxay odayaashu taageereen hab-raacii hore ee kasoo baxay guddiga heer federal ee doorashooyinka, iyagoo sheegay in hab-raacaas uu ilaalinayay kaalinta odayaasha dhaqanku ku leeyihiin doorashada aqalka hoose.

Ugu dambayn, waxay odayaasha ugu baaqeen raysal wasaaraha Soomaaliya inuu wax ka bedelo habraaca doorashada lagu maamulayo islamarkaana lasoo celiyo meeqaamkii duubabka dhaqanku lahaayeen.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online