4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Beesha caalamka oo madasha wadatashiga qaran ugu baaqay in ay wax ka qabtaan walaac doorashada aqalka sare
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa war-saxafaadeed ay soo saartay waxay madasha wadatashiga ugu baaqeen baaqday in ay wax ka qabtaan walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare si loo taageero hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo .

Beesha caalamka waxay sheegtay inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, iyagoo ku dhiirigeliyay hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo.

“Waxaan garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana GWQ ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Waxay kaloo ku baaqeen in dadaallada kuraasta qoondada haweenka ee aqalka sare oo hadda maraysa 24 kursi, la laballaabo si loo gaaro ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka.

Beesha caalamka waxay soo dhoweeyeen dhismaha guddiga Amniga Doorashada, waxayna ku baaqayaan in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose iyo in tixgelin la siiyo amniga ergada, musharaxiinta iyo xubnaha guddiga haweenka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online