3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Nin Soomaali ah oo ka dambeeyay toogasho ka dhacday Tansaaniya
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Shan qof oo ay ku jiraan saddex askari oo boolis ah, hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday toogasho ka dhacday meel u dhow Safaaradda Faransiiska ee aadka loo ilaaliyo ammaankeeda ee magaalada Daru-salaam dalka Tanzania.

Booliska ayaa sheegay toogashadan oo ay ku dhaawacmeen lix kale in uu ka dambeeyay nin la aamisan yahay inuu Soomaaliya ka yimid.  Illaa haddana ma cadda in is-rasaaseynta ka dhacday aagga safaaradda Faransiiska ay tahay weerar argagixiso.

Taliyaha guud ee booliska Simon Sirro wuxuu wariyeyaasha u sheegay inay baaritaano socdaan. Wuxuuna shacabka dalkiisa ka codsaday in ay la wadaagaan macluumaad.

“Saakey (shalay) ayey moto uu watey ka dhaceen laba Police Tanzanian ah asna Bastoolad ayuu soo qaatey labadii askari ayuu diley labadii qori buu ka qaatey. Wuxuu askari kale ku dilay safaarada Faransiiska horteeda,  aaqirkiina waa la toogtey Wiilka,” Waxaa sidaasi HOL u sheegay qof ku sugan Tansaaniya.

Xogo uu helayo HOL waxay sheegayaan in ninka falkaan geystay oo lagu magacaabo Hamza Hassan Mohamed in uu dhowr sano ka hor uu tagay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo walaalkiis oo Alshabaab katirsan lagu diley isagana uu markii dambe ku biirey Alshabab.

Booliiska Tansaaniya ayaa dabagal xooggan ku hayay tan iyo markii uu dib ugu laabtay dalkaasi, waxaana ugu dambayn shalay uu toogasho ku dilay saddex askari oo katirsan booliiska iyo qof shacab, kadibna isaga ayaa la toogtay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/25/2021 2:59 PM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa war-saxafaadeed ay soo saartay waxay madasha wadatashiga ugu baaqeen baaqday in ay wax ka qabtaan walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare si loo taageero hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo .

8/25/2021 1:51 PM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa duulaan horumarka Somaliland ka dhan ah ku til maamay eedaha loo jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso, ee ah in macalimiinta Shabakada Abaarso ay diinta Masiixiga faafiyaan.

8/25/2021 1:17 PM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa soo bandhigtay hub iyo gaadiid dagaal oo sheegeen in ay ku furteen dagaalkii shalay waaberigii ay kusoo qaadeen magaalada Camaara ee koonfurta Mudug.

8/25/2021 10:11 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay 5 nin oo falal argagixiso ugu xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargaysa, kuwaasi oo qaarkood muddo 20 sano ku dhaw xabsiga ku jireen.

8/25/2021 6:58 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Maraykanka ayaa sheegay isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, inuu qaaday weerar duqayn ah oo is-difaac ah ka dhan ah dagaalamayaasha al-Shabaab, kuwaas oo shalay weerar kusoo qaaday deegaanka Camaara

8/25/2021 6:23 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey xeer-hoosaadka golaha oo wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay, kadib markii qabyo badani kasoo baxday xeer-hoosaadkii golihii hore ku shaqayn jirey.

8/25/2021 6:10 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay qaab -dhismeed dib loogu shaqeynayo waajibaadka iyo hawlgallada AMISOM wixii ka dambeeya dhammaadka sannadkan 2021.

8/25/2021 5:09 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Hanti dhowrka guud ee Punland ayaa shaqo joojin ku sameeyay masuuliyiin loo haysto in ay ku kaceen musuq maasuq iyo wax isdaba marin, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo soo baxay xalay.

8/25/2021 4:01 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka ay xaalada deegaanka tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo ay barbar socdeen qaraxyo oo shalay halkaasi ku qaadeen Al-shabaab.