3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Maraykanka oo ka hadlay duqayn uu Shabaab kula beegsaday agagaarka Camaara
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Maraykanka ayaa sheegay isagoo kaashanaya  Dowladda Federaalka Soomaaliya, inuu qaaday weerar duqayn ah oo is-difaac ah ka dhan ah dagaalamayaasha al-Shabaab, kuwaas oo shalay weerar kusoo qaaday deegaanka Camaara

Maraykanka wuxuu sheegay inuu qiimaynayo waxyeellada duqaynta, iyadoo ay ugu wacan tahay hawlgalka socda ee u dhexeeya al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya.

Ma sheegin wax dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntaan cirka ah.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ayaa shalay howlgal ka sameeyay degaanka Camaara iyo nawaaxigeeda halkaasi oo shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerar  xooggan.

War lagu daabacay baraha ciiddamada qalabka sida, ayaa lagu sheegay in howgalkaas lagu dilay 100 katirsan Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha ayaa sheegay in ay Al-Shabaab jab xooggan kala kulmeen Camaara.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/25/2021 2:59 PM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa war-saxafaadeed ay soo saartay waxay madasha wadatashiga ugu baaqeen baaqday in ay wax ka qabtaan walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare si loo taageero hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo .

8/25/2021 2:10 PM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Shan qof oo ay ku jiraan saddex askari oo boolis ah, hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday toogasho maalinimadii shalay ka dhacday meel u dhow Safaaradda Faransiiska ee aadka loo ilaaliyo ammaankeeda ee magaalada Daru-salaam. (Tanzania)

8/25/2021 1:51 PM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa duulaan horumarka Somaliland ka dhan ah ku til maamay eedaha loo jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso, ee ah in macalimiinta Shabakada Abaarso ay diinta Masiixiga faafiyaan.

8/25/2021 1:17 PM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa soo bandhigtay hub iyo gaadiid dagaal oo sheegeen in ay ku furteen dagaalkii shalay waaberigii ay kusoo qaadeen magaalada Camaara ee koonfurta Mudug.

8/25/2021 10:11 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay 5 nin oo falal argagixiso ugu xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargaysa, kuwaasi oo qaarkood muddo 20 sano ku dhaw xabsiga ku jireen.

8/25/2021 6:23 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey xeer-hoosaadka golaha oo wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay, kadib markii qabyo badani kasoo baxday xeer-hoosaadkii golihii hore ku shaqayn jirey.

8/25/2021 6:10 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay qaab -dhismeed dib loogu shaqeynayo waajibaadka iyo hawlgallada AMISOM wixii ka dambeeya dhammaadka sannadkan 2021.

8/25/2021 5:09 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Hanti dhowrka guud ee Punland ayaa shaqo joojin ku sameeyay masuuliyiin loo haysto in ay ku kaceen musuq maasuq iyo wax isdaba marin, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo soo baxay xalay.

8/25/2021 4:01 AM EST
Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka ay xaalada deegaanka tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo ay barbar socdeen qaraxyo oo shalay halkaasi ku qaadeen Al-shabaab.