4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo kala saxiixday heshiis ku saabsan mustaqbalka AMISOM wixii ka dambeeya 2021
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay qaab-dhismeed dib loogu shaqeynayo waajibaadka iyo hawlgallada AMISOM wixii ka dambeeya dhammaadka sannadkan 2021.

Warsaxaafadeed ka soo baxay kulan labo maalmood socday oo u dhaxeeyay wakiillada Soomaaliya iyo AU ayaa lagu xusay in labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan mustaqbalka AMISOM.

“Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) wuxuu dhammaanayaa sannadkan (2021). Waxaan ka wada hadalnay waxa beddeli doona AMISOM bisha Janaayo 2022” ayuu yiri Fiona Lortan, Ku-simaha Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Arrimaha Siyaasadda, Waaxda Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) oo hoggaaminayay kooxda wada xaajooda ee AU iyo AMISOM.

Fiona Lortan,  ayaa xusay in weli baahi loo qabo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya wixii ka dambeeya December 2021.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Saciid Samatar ayaa sheegay in qorshahan cusub si tartiib tartiib ah loo fulin doono iyada oo la tixgelinayo heerka diyaar garowga ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Heshiiskan cusub ayaa ku soo beegmay kadib markii dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay isku afgarteen soo jeedin dib -u -habeyn lagu sameynayo AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online