4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada deegaanka Camaara ee gobolka Mudug
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka ay xaalada deegaanka tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo ay barbar socdeen qaraxyo oo shalay halkaasi ku qaadeen Al-shabaab.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa shalay galin kii hore la sheegay iney la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Camaara, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay shalay galinkii dambe dib ula wareegeen deegaanka Camaara kadib markii Al-shabaab isaga baxeen.

Wararka saaka laga kasoo baxaya deegaanka Camaara ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid si caadi kusoo noqotay, balse bulshada ay weli dareemayaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka duleedka iyo gudaha degaanka Camaara ka wadaan howlgalo amniga lagu xaqiijinaayo.

Degaanka Camaara oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug ayaa bilowgii Bishaan waxaa la wareegay ciiidamada ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]