4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Buug laga qoray nolosha mid kamida abwaanadii ugu waa wayna fanka oo Hargaysa lagu soo bandhigay


Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Buuga Joogaha-maqan oo laga qoray noloshii iyo taariikhdii faneed ee abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf, oo ahaa hal-abuur alifay qaar kamida heesaha iyo riwaayadaha ugu caansan uguna wanaagsan fanka Soomaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay Hargaysa.

Buuga Joogaha-maqan oo uu qoray qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmed Karaama, ayaa lagu ururiyay dhaxal kii faneed ee uu abwaanku ifka kaga tagay iyo noloshiisii, isla markaana waxa lagu sugay taariikhda iyo sooyaalka ay leedahay murtida abwaan Xasan Qawdhan.

"Abwaan Xasan Qawdhan taariikhdiisa ku dheeraan maayo oo heesaha ugu caansan Soomaalida, ayuu lahaa waxa buugani uu koobsanayaa, in suugaantii Xasan Qawdhan iyo shakhsiyadiisi laysku barto" sida waxa yidhi qoraaga buuga Axmed Karaama.

Xafladda bandhigan buuga Joogaha-maqan oo ka dhacday hoteelka Maansoor ee Hargaysa, ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil xukuumada ka tirsan, madaxda xisbiyada mucaaradka, bahda suugaanlayda, qoraayo iyo kumaan waayeel iyo dhalinyaro ah oo suugaanta abwaankanka la barbaaray.

Heesaha ugu caansan ee uu abwaanku alifay waxa kamida, heesta Miidaamo oo uu qaado Axmed Mooge, Riyo oo uu qaado Maxamed Saleebaan, Qalam-jalam oo uu qaado Muuse Ismaaciil Qalinle, Hoombaro oo ay wada qaadan Bashiir Xadi iyo Hubo Nuura, Waxan tagay shabcantii oo uu qaado Maxammed Mooge iyo heeso kale oo badan.

Riwaayadaha uu abwaanku alifay waxa ugu caansan, Anaga oo waalan waagu noo bari, Yaan la waalin jacaylka  iyo Wakhtigu nina waal nina waani oo ahayd riwaayadii ugu horaysay ee madaxwaynihii dowladii Kacaanka Maxammed Siyaad Barre ka qayb galo daawashadeeda sanadkii 1973.

Abwaan Xasan Qawdhan waxa uu ku dhashay maagalada Hargaysa sanadkii 1944, fankiisa waxa uu ka bilaabay magaalada Muqdisho dhamaadkii 1969, kadib muddo dheer oo uu bahda sugaanlayda ka tirsana waxa uu ku xijaabtay waddanka Sweden 19, April, 2017 isagoo 73 sano jir ah.

Abdillahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]