4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Diridhabe : Qiimaha maciishada oo lajaangooyay
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - War kasoo baxay Ismaamulka Diridhabe ayaa lagu sheegay in lajaan gooyay qiimihii maciishada ee Diridhabe oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kacsanaa.

Haddaba waxyaabaha aad hoos loogu dhigay qiimahooda ayaa waxaa kamid ah Saliida 5ltr oo horey u ahayd 600 Birr ayaa hadda laga dhigay 450 Birr, Saliida 20ltr oo horey qiimaheedu u gaaray 1950 Birr waxaa laga dhigay hadda 1700 Birr, waxyaabaha sidoo kale qiimahooda hoos loo dhigay ayaa waxaa kamid ah Sonkorta,Bariiska, Burka, Baastada iyo Makarooniga.

Lama oga siday u hirgalayso qiimahan ay dawladdu soo saartay iyadoo maalmihii u dambaysay ay dawladdu albaabada u laabtay goobihii lagu iibinayay raashinka, iyadoo sabab uga dhigaysay inay ku lug lahaayeen sicir bararkii jiray inkastoo dib loo furay goobihii ganacsiga ee raashinka lagu iibin jiray.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]