3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Raysal Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo oo ka heshiiyay khilaafkii soo kala dhex galay
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay  isaga iyo madaxweyne Farmaajo, oo ku kala aragti duwanaaday wada xaajoodka xukuumada.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay,  in iyagoo isku duuban oo wada socda ay dalka gaarsiiyaan doorasho nabad ah oo xasilooni ku jirto.

“Waxaa la yiraahdaa doqoni meesha lagu dagaallay ogaydee, meesha lagu heshiiyay ma oga. Heshiis ayaanu nahay. Dalkaan haddaan heshiis la ahayn ma soconayo. Qar ayuu kasii dhacayaa,”ayuu yiri, raysal wasaaraha oo Nayroobi kula hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed.  

Raysal wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in aanay wax carqalad ka dhalan warqadihii iskasoo horjeeday ee ay soo kala saareen madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna tilmaamay in ay waajib tahay in la wada shaqeeyo oo marxalad looga gudbo isku duubni.

Raysal wasaaruhu mar uu ka hadlayay safarkiisa Kenya, wuxuu sheegay in aanay ujeedadu ahayn inuu saxiixo heshiis, balse uu doonayo inuu hagaajiyo xiriirka labada dal ee xumaaday.

“Maanta igama filanaysaa in aan ka hadlo heshiis bad oo yaalla maxkamada Hague, oo aan go’aankeeda sugayno. Madaxweyne Uhuru waa walaalkey, waana saaxiibkey. Isagoo i horfadhiya ayaan u sheegay oo ku iri, meeshaas (ICJ) ayaa jawaabteeda ka sugaynaa,’’ ayuu hadalkiisa raaciyay raysal wasaaruhu.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
 












Click here
8/12/2021 12:45 PM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ku eedeeyay in uu xadhig u gaystay madaxdhaqameed iyo madax warbaahineed.

8/12/2021 11:17 AM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL)- Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay fasaxday isticmaalka lacagta 50 ka dollar ee Maraykanka oo ay xukuumadu hakad galisay isticmaalkeeda 18 February ee sanadkan kadib markii lacago been abuur ahi soo galeen Somaliland.

8/12/2021 11:13 AM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Kadib markii gudoonka waxbarashada gobolka Sool iyo maamulka gobolku ay saaka tageen Dugsiga Boodhinka oo maalintii shalay rabshado ka dheceen ay ku guulaysteen in xaaladu caadi ku soo noqoto.

8/12/2021 8:48 AM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Barlamaanka Galmudug ayaa soo gabagabeeyay qeybtii koowaad ee doorashada Senotarada Galmudug u matalaya barlamaanka aqalka sare, waxaana la doortay illaa 6 mudane oo labo kamid ah ay dumar yihiin.

8/12/2021 7:29 AM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Sahra Axmed Mustaf oo haweenay Soomaaliyeed ayaa laga reebay tartanka doorashada kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafadda ay ku badan yihiin Soomalida ee dalka Australia.

8/12/2021 6:03 AM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - War kasoo baxay Ismaamulka Diridhabe ayaa lagu sheegay in lajaan gooyay qiimihii maciishada ee Diridhabe oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kacsanaa.

8/12/2021 2:25 AM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Galmudug.

8/12/2021 1:51 AM EST
Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - AMISOM ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan dhacdadii tuulada Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, kaddib markii lagu eedeeyay askartooda in ay si bareer ah u laayeen dad shacab ah oo aan waxba galafsan.