9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay xiliga la qabanayo kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada cusub
 

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Digreeto uu ku saxeexanyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu sheegay in kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay uu qabsoomi doono 3 bishan Agoosto.

"Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada dhawaan la doortay wuxuu qabsoomaya maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo, fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland" ayaa lagu yidhi digreetada.

Tan iyo markii Maxkamada Sare ee Somaliland ku dhawaaqday natiijada rasmiga ah ee doorashada golaha wakiilada Somaliland 7 bishii July ee sanadkan 2021 oo muddo 24 cisho ahi kasoo wareegtay, waxa aad loo sugayay xiliga uu qabsoomayo kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada ee cusub.

Mudada 24 cisho ah ee kasoo wareegtay ku dhawaaqista maxkamada waxaa socday loolan adag oo xisbiyada mucaaradka oo dhan ah iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ay ugu jireen hanashada shirgudoonka golaha wakiilada cusub ee Somaliland, waxayna labada dhinac  ku jireen kala xod xodashada xildhibaannada.

Xildhibaano ka mid ah isbahaysiga mucaaradka Somaliland, ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu soo dadajiyo qabsoomida kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada cusub, waxana jiray qaar kood oo madaxweynaha ku eedeeyay in uu dib u riixayo kal fadhiga ilaa iyo xisbigiisu helo aqlabiyad u saamaxda in uu ku guulaysto shirgudoonka.

6 cisho ayaa wali ka hadhsan 30 maalmood oo uu dastuurku madaxweynaha siinayo in uu ku qabto kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada oo laga bilaabayo maalinta Maxkamada Sare ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah, madaxweynaha ayaana awood dastuuri ah u leh qabashada kalfadhiga 1aad ee golaha.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online












Click here
8/1/2021 1:30 PM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday heshiiska dayactirka waddooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Puntland.

8/1/2021 10:06 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed maanta oo Axad ah kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ay habeenimadii xalay weerar cirka ah la beegsadeen Al-Shabab meel u dhow magaalada Wasil ee gobolka Mudug.

8/1/2021 8:07 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa si weyn u soo dhaweeyay Musharaxa Abdisamad Yusuf Fardaale (AJ) oo u cararay Duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

8/1/2021 7:32 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Somaliland Xasan Maxammed Cali (Gaafaadhi), oo u jawabayay boqor Buurmadow, ayaa boqorka ku sifeeyay shakhsi dhib badan, oo danayste ah, isla markaana si uu u gaadho u jeedooyinkiisa xataa u dagaalami kara.

8/1/2021 7:19 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa codsi u gudbiyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

8/1/2021 6:33 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyay in hay’adda dambi baarista Soomaaliya ee CID, ay warqadda dambi la’aanta u diiday siyaasiyiin u sharraxan kuraasta barlamaanka.

8/1/2021 4:39 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa dagaal iyo duqayn ka wada deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug, halkaas oo farriisimo culus ay ku leeyihiin Alshabaab.

8/1/2021 1:01 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay soo gudbinta iyo shaacinta jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

8/1/2021 12:55 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay si rasmi ah uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartamaya Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka ee deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed.