9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Musharax AJ oo si weyn loogu soo dhaweeyay Columbus Ohio


Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa si weyn u soo dhaweeyay Musharaxa Abdisamad Yusuf Fardaale (AJ) oo  u cararay Duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Xaflada Soo dhaweynta oo ahayd mid si weyn looga soo shaqeeyay waxaa ka soo qeybgalay Haldoorka Soomaalida Ohio oo iskugu jiray Ganacsato, Aqoonyahano, Culumo, Haween, dhalinaro, Siyaasiyiin,  Dhaqaatiir iyo dhamaan qeybaha Bulshada.

Inta baddan dadkii hadlay  waxay diirada saareen ahmiyada dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha soo galay ay u leedahay in ay isbadal la yimaadaan Taas oo sare u qaadikarta fikirka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed laga haysto iyo in la helo jiilal is baddala oo aqoon iyo himilo  wanaagsan ku tartama.

AJ ayaa wajahaya tartan adag oo uu la galayo shaqsiyaad kale oo booskaasi u cararaya waxaase uu muujinayaa rajo wanaagsan isaga oo talosaaranaya Alle iskuna halaynaya Soomaalida Minnesota iyo shacabka degmada.

Ujeedada ugu weyn ee uu Ohio u yimid ayaa ahayd in uu taageero Dhaqaale iyo Duco ka helo reer Columbus taas oo si weyn loogu soo dhaweeyay lana garab istaagay.

Waxa uu u mahadceliyay Jaaliyadda Columbus  sida walaalnimada leh ee ay isku garab taageen isaga oo ugu baaqay in ay ka soo muuqdaan siyaasada Ohio oo ah gobolka labaad ee Soomaalida ugu baddani ay ku noolyihiin.

Waxaa la filayaa in uu tago magaalooyin kale oo ay Soomaalidu daganyihiin si uu taageero u weydiisto.

Intabaddan Gobolada Mareykanka ee Soomaalidu ku nool yihiin waa kuwo mar walba laga caawiyo dhalinyaradda Siyaasada u tartanta waa arin ay ka mideeysanyihiin dhamaan Soomaalida Mareykanku.

Deeqo Shire (SONNA), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/1/2021 1:30 PM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday heshiiska dayactirka waddooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Puntland.

8/1/2021 10:06 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed maanta oo Axad ah kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ay habeenimadii xalay weerar cirka ah la beegsadeen Al-Shabab meel u dhow magaalada Wasil ee gobolka Mudug.

8/1/2021 8:34 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Digreeto uu ku saxeexanyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu sheegay in kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay uu qabsoomi doono 3 bishan Agoosto.

8/1/2021 7:32 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Somaliland Xasan Maxammed Cali (Gaafaadhi), oo u jawabayay boqor Buurmadow, ayaa boqorka ku sifeeyay shakhsi dhib badan, oo danayste ah, isla markaana si uu u gaadho u jeedooyinkiisa xataa u dagaalami kara.

8/1/2021 7:19 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa codsi u gudbiyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

8/1/2021 6:33 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyay in hay’adda dambi baarista Soomaaliya ee CID, ay warqadda dambi la’aanta u diiday siyaasiyiin u sharraxan kuraasta barlamaanka.

8/1/2021 4:39 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa dagaal iyo duqayn ka wada deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug, halkaas oo farriisimo culus ay ku leeyihiin Alshabaab.

8/1/2021 1:01 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay soo gudbinta iyo shaacinta jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

8/1/2021 12:55 AM EST
Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay si rasmi ah uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartamaya Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka ee deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed.