4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay ku dhawaaqista doorashada Aqalka Sare ee Koofur Galbeed
 

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay soo gudbinta iyo shaacinta jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu doorashada ka dhaceyso Koofur Galbeed u rajeynaayo iney ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.

"Waxaan Madaxweyne Laftagareen iyo guddiga doorashada Koofur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda anigoo u  rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan" ayuu yiri Raysal Wasaare Rooble.

Soo dhaweynta iyo bogaadinta Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa imaaneysa xili madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu soo gudbiyay in lagu tartamo Shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare, islamarkaana guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen waqtiga ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]