4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Cisbitaal Ku Yaal Minneapolis oo Muslimiinta yimaada u Tilmaamaya Dhanka Qibladda ay ka jirto


Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - Waxaa Gudaha Cisbitaalka HCMC qabta Gargaarka Dagdaga ah isagu yimi Madaxda Cisbitaalka ,Dhaqaatiirta & Qaar ka mida Culumadda Minnesota , waxayna maanta daahfurayaan mashruuc qololka Cisbitaalka loogu dhajinayo waraaqo tilmaamayo dhanka qibladda salaada, waana markii ugu horeeysay ee cisbitaal ku yaal gobolka Minnesota & Maraykanka guudba uu sidaa sameeyey.

Shiikh Cabdiraxmaan Shariif Imaamka Masjid Darul Hijra oo u waramayay HOL  ayaa sheegay in tani tahay talaabo muhiima oo isku soo dhawaynaysa muslimiinta dalkaan yimi iyo dadka Maraykanka , waxayna noo tahay Farxad qiimo leh oo ina tusaysa in diinteena lagu ixtaamo wax walba oo muhiim noo ah.

Sh Cabdiraxmaan Shariif waxuu ka shakeeyey in arintaan ku timi markii dhaqtar qaybta gargaarka dagdaga jooga uu arko dadka muslimiinta ah ee yimaada cisbitaalka oo midba dhan u tukanayo kadibna isagoo la kaashanaya culumadda gobolkaan qaasatan Masjidka Darul hijra uu ku dhaqaaqay mashruucaan maanta hir galay.

Agaasimaha cisbitaalka Hennapin Healthcare Jennifer DeCubellis ayaa iyaduna kulankaan ka hadashay aadna u soo dhaweeysay , waxayna xustay in tani tahay talaabo horey loo qaaday xaga horemarka cisbitaalkoodu ku talaabsaday waxayna ku tilmaamatay guul taariikhi ah.

Waxaa isaguna goobta ka hadlay Dhaqtarkii Fekerkaan uu ka yimi oo ahayn qof muslina waxuu sheegay in marar badan uu arkay dadka muslimiinta ah oo adeega u fidiyaan oo xiliga salaada marka la gaaro qofba uu dhan u jeesanayo anigoo og in muslimiintu markay tukanayaan ay kacbada iyo mgaaladda Maka u jeestaan dhanka ay ka jirto

Shugri Sh Saalax oo ka mid tahay shaqaalaha Cisbitaalkan waxay iii sheegtay in wax wayn uu ka tiri doono dadka bukaanka ah ee yimaada cisbitaalkan oo mar walba ku wareersanaa dhanka ay qibladda ka xigto ay hada arkayaan waswaaskuna ka yaraanayo.

Barta Ay Baraha Bulshada ku leeyahiin Cisbitaalkan ayaa lagu qoray  shalay  sidan

Subaxaan waxaan ku dhajinay tilmaamata  qiblada ama "jihada" qolalka bukaan socodka Istiikaarradan waxay tilmaamayaan jihada Maka, magaalada barakaysan ee Muslimiinta. Marka ay tukanayaan dadka muslimiinta waxay ku tukadaan jihada Maka.

Sidaas darteed istiikaradaani waxay siinayaan raaxo kuwa doonaya inay tukadaan inta ay ku jiraan daryeelkayaga.



Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN