4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Labo carruur ah oo meydkooda laga helay dulleedka magaalada Baydhabo

 

Khamiis, April, 08, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada gobolka Baay ayaa sheegaya in dulleedka magalada Baydhabo laga helay meydka labo carruur ah oo la sheegay in maalitii shalay la waayay.

Carruurta ahaa Wiil iyo Gabar oo walaalo ahaa ayaa waxaa dhalay sida ay wararku sheegayaan Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa xildhibaannada Baarlamaankii Sagaalaad ee dalka, kuwaa oo la waayay xili maalintii shalay ay aadeen dugsi  Qur'aan ay dhiganayeen.

Carruurtay oo meydkooda la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in qeybo ka mid ah xubnaha jirkooda lala baxay iyadoo la adeegsanayo toorreey.

Dadka deegaanka ayaa dhacdadan siweyn uga naxay waxaana ay noqoneysaa markii ugu horreysay oo magaalada Baydhabo dadku la kulmaan dhacadadan oo kale.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]