4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Saraakiil kasoo goostay ciidamada dowlada Soomaaliya oo Hargaysa lagu soo dhaweeyay
 

Axad, April, 4, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada millateriga Somaliland, ayaa lagu soo dhaweeyay 4 sarkaal oo sheegay in ay kasoo goosteen ciidamada Danab iyo Gorgor ee Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa sheegay in ay ka noqdeen mabda’oogii hore ee Soomaaliweyn, isla markaana ay cafis ka dalbanayaan dowlada iyo shacabka Somaliland.

“Anigoo kasoo shaqeeyey dowlada Soomaaliya ee midnimada gacan ku rimis ka ah iyo wararka been abuur ka ah, uguna soo shaqeeyay umada Soomaaliyeed ee dhibataysan ee dushooda laysku dilayo si daacada” sida waxa yidhi Laba xidigle Jaabir Ismaaciil Cismaan.

“Waxan maanta umada Somaliland aan ka codsanayaa, in ay i cafiyaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Laba xidigle Jaabir Ismaaciil Cismaan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay, xidigle Maxamuud Axmed Cali oo sidu sheegay ahaa taliyihii warbaahinta, wacyigalinta iyo arrimaha bulshada ee ururka afraad ee ciidanka Danab, ahana afhayeenka guutada 16aad ee Danab.

“Waxa aan maanta ku suganahay magaalada Hargaysa, run ahantii waxa hortayda soo fadhiya, saraakiil kaduwan saraakiishii aan arki jiray, iyo calankii aan kasoo jeeday iyo wadankii aan u dhashay” ayuu yidhi xidigle Maxamuud Axmed Cali.

“Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dowladood, waxan ogaaday in ay reer Soomaaliya yihiin cadaw ay Somaliland leedahay”.

“Sida darteed markii aan arkay midnimada Soomaaliya sida afka loogaga dhawaqayo iyo ficil ahan sida anay u jirin, waxan go’aansaday in aan dalkaygii hooyo kusoo noqdo” ayuu hadalkiisa kusii daray xidigle Maxamuud Axmed Cali.

Ugu danbaytii abaanduulaha ciidanka millitariga Somaliland Cabdirisaaq Siciid Afguduud, ayaa soo dhaweeyay askarta kasoo goosatay ciidanka Soomaaliya.

“Waxan soo dhawaynayaa, saraakiisha soo goosatay ee mabadi dii Soomaaliweyn ee lagu qalday kasoo noqday ee Somaliland isku soo dhiibtay wanu aqbalay” ayuu yidhi abaanduule Afguduud.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]