4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Puntland oo ku amartay inuu Garowe ka baxo weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon
 

Jimco, April. 30, 2021 (HOL) - Puntland ayaa ku amartay inuu Garowe ka baxo weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo arrimo samafal ah ka waday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Waxaa isaga lagasoo xigtay in ciidamo Booliis ah ay ugu tageen hotelka uu ka degen yahay magaalada Garowe iyagoo ku amray in uu dib ugu laabto Somaliland.

Lama sheegin waxa lagu haysto. Saraakiil katirsan booliiska Puntland oo aan la xidhiidhnay waxay ka gaabsadeen in ay tafaasiil ka bixiyaan sababta Cabdimaalik loogu amray inuu Garowe ka baxo.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in Cabdimaalik lagu haysto qoraal uu Facebook kusoo qoray habeenkii la weerarayay xabsiga Bosaso, isagoo sheegay inuu ku diirsado marka uu maqlo maxaabiis xabsiga ka baxday.

Hadalkaas ayay dad badan u fasireen in Cabdimaalik uu taageersanaa maxaabiista Xabsiga ka baxsatay. Isagu laftiisu weli kama hadlin ujeedada hadalkaas.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo sanad ka badan ku xirnaa xabsi ku yaal Somaliland, ayaa markii uu soo baxay, waxa uu sheegay in uu u qareemi doono dadka xabsiyada dulmiga ugu xiran.

Tallaabadii ugu horraysay uu qaaday waxay ahayd inuu u qareemo in xabsiga lagasii daayo nin muddo ka badan 20 sano u xirnaa mag.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online