4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Midowga Musharixiinta oo digniin u diray xildhibaannada Golaha Shacabka oo maalinta berri ah kulmaya

 

Jimco, April. 30, 2021 (HOL)  - Iyadoo maalinta berri ah kulan aan caadi aheyn ay isugu imaanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale qoraal ka soo baxay midowga Mushariixiinta ayaa looga digay xildhibaannadda in ay qaataan go'aanno lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Qoraalka ayaa dhinaca kale loogu baaqay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble in uu la wareego hoggaanka doorashada dalka.

Golaha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan heshiis kama danbeys ah oo laga gaaro doorashooyinka dalka. 

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in Baarlamaanka Soomaaliya uu qaado tallaabo la mid ah tii 12kii bishan April.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharixiinta.


Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]