3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Ciidanka amniga Puntland oo sheegay in ay dileen 15 katirsan ururka Daacish
 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Ciidanka nabad sugida puntland ee PSF ayaa sheegay howlgal ay ka sameeyeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari in ay ku dileen 15 katirsan ururka Daacish ayna qabteen gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Sida uu HOL, u sheegay sarkaal ciidan, howlgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamadu xog ku heleen goobo ay isku arursanayeen Daacish ayna ku abaabulayeen weerar qorshaysan oo ka dhan ah Puntland.

Ciidamadu waxay sheegteen in uu dhankooda kasoo gaaray howlgalkaas khasaare dhaawacyo ah. Waxay sidoo kale sheegeen inay ku qabteen maxaabiis ay soo bandhigidoonaan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii xabsiga Bosaso, ciidanka amniga Puntland ayaa howlgallo ka waday gobolka Bari.

Dad badan ayaa sidoo kale loo xiray in ay ku lug leeyihiin weerarkii xabsiga magaalada Bosaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/3/2021 4:33 PM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saaray khasaraaha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay maqaayad ku taala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

4/3/2021 1:11 PM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Waxaa galinkii dambe ee maanta lasoo gabagabeeyay wajigii kowaad ee shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ilaa saaka ka socday Xarunta ciidanka Cirka ee Afisyooni.

4/3/2021 12:34 PM EST
Sabti, April 03, 2021 (HOL) - Faah faahinno ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

4/3/2021 8:41 AM EST
Sabti, April 03, 2021 (HOL) - Sida lagu daabacay Warbaahinta dowladda madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka wada tashiga DF, madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrisanayo doorashada heer Qaran ee Soomaaliya.

4/3/2021 8:02 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Boqortooyada UK, 7 qof ayaa geeriyoodeen ka dib markii ay qaateen tallaalka Oxford-AstraZeneca, halka 30 qof oo kale ay ka sii dartay xaaladdooda ka dib markii ay tallaalka ku qaateen Ingiriiska.

4/3/2021 7:06 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shir hordhac u ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

4/3/2021 6:38 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo saaka ku dhexmaray ciidanka xooga dalka iyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

4/3/2021 3:00 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Madaxeynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisal Wasaare Rooble madaxweynaha dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa gaaray teendhada Afisiyooni oo lagu waddo in uu ka furmo shirka madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada.

4/3/2021 12:50 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) --Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegalay in xoogagga Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobolka.

4/3/2021 12:37 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) -- Weerarkan oo ka dhacay ilinka hore ee Aqalka Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa Booliiska halka mid kalana uu ku dhaawacmay.