3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay agagarka Aqalka Baarlamaanka Mareykanka

 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) -- Weerarkan oo ka dhacay ilinka hore ee Aqalka Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa Booliiska halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari ayaan ku dhacay sida xogta lagu helay xayndaabka laga ilaaliyo amniga dhismaha Baarlamaanka  US Capital iyadoo intaa kaddibna darwalkii gaariga wadday uu toorray ku boobay askariga oo goobta ku dhintay.

Rasaas ay furreen ciidamadii goobta ka dhawaa ayaa waxaa ku dhintay qofka la tuhusan yahay in uu weerarkan geystay, sidoo kale waxaa weerarkan ku dhaawacmay askari kale oo ka tirsanaa Booliiska.

Yogananda Pittman oo ah ku simaha taliyaha goobtan uu weerarka ka dhacay ayaa yiri "Niyad ahaan, aniga oo tiiraanyaysan ayaan ku dhawaaqayaa in mid kamid ah saraakiisheena uu u dhintay dhaawacii soo gaadhay".

Sidoo kale waxaa weerarkan cambaareeyay madaxweynaha dalka Maryekanka Joe Biden oo sheegay in uu ka naxay dhimashada askariga.

William "Billy oo ah askariga dhintay ayaa la sheegay in uu muddo dheer ka shaqeynayay goobta uu weerarka ka dhacay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   



















Click here
4/3/2021 4:33 PM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saaray khasaraaha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay maqaayad ku taala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

4/3/2021 1:11 PM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Waxaa galinkii dambe ee maanta lasoo gabagabeeyay wajigii kowaad ee shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ilaa saaka ka socday Xarunta ciidanka Cirka ee Afisyooni.

4/3/2021 12:34 PM EST
Sabti, April 03, 2021 (HOL) - Faah faahinno ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

4/3/2021 10:53 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Ciidanka nabad sugida puntland ee PSF ayaa sheegay howlgal ay ka sameeyeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari in ay ku dileen 15 katirsan ururka Daacish ayna qabteen gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay.

4/3/2021 8:41 AM EST
Sabti, April 03, 2021 (HOL) - Sida lagu daabacay Warbaahinta dowladda madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka wada tashiga DF, madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga arrisanayo doorashada heer Qaran ee Soomaaliya.

4/3/2021 8:02 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Boqortooyada UK, 7 qof ayaa geeriyoodeen ka dib markii ay qaateen tallaalka Oxford-AstraZeneca, halka 30 qof oo kale ay ka sii dartay xaaladdooda ka dib markii ay tallaalka ku qaateen Ingiriiska.

4/3/2021 7:06 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shir hordhac u ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

4/3/2021 6:38 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo saaka ku dhexmaray ciidanka xooga dalka iyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

4/3/2021 3:00 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Madaxeynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisal Wasaare Rooble madaxweynaha dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa gaaray teendhada Afisiyooni oo lagu waddo in uu ka furmo shirka madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada.

4/3/2021 12:50 AM EST
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) --Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegalay in xoogagga Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobolka.