3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Kenya oo dib u dhigtay go'aankii ay sheegtay in ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kaakuma

 

Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) -  Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib uga dhigtay go'aan ay horay u soo saartay oo ay ku sheegtay in ay ku xireyso xeryaha Qaxootiga Dadaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed.

Kenya ayaa go'aankan qaadatay kaddib kulan dhaxmaray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi.

War ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in ay xeryahan xiri doonto marka la gaaro bisha 30-ka Juun ee sannadka 2022-ka. 

Waxaa la sheegay in guddiyo ka kala socda Kenya iyo Qaramada Midoobay ay ka shaqeyn doonaan qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya.

Dadka Qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Xeryahan ayaa sheegtay in ay ku jiraan qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga hortimid go'aanka oo ay ku sheegtay in mid Kenya ay siyaasadeyneyso, waxaana ay ka digtay in tallaabadaa lagu dhaqaaqo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
4/29/2021 5:58 PM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Mid kamida libaaxyadii uu Hargaysa ku haystay siyaasi Cali Waran Cadde, oo ka baxsaday xeradisii ayaa dhaawac daran gaadhsiiyay haweenay Oromo ah.

4/29/2021 12:18 PM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu rasaaseey guddoomiyaha degmadaasi Cumar Sheekh Cabdi.

4/29/2021 9:05 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) -Dowladda UK ayaa ku baaqday in muhiim tahay qabashada doorasho ku dhisan heshiis iyo wadar ogol iyadoo loo daneynayo ammaanka, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya

4/29/2021 9:01 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Weriye Maxamed Cumar Yuusuf (Bolton) oo agaasime ku xigeen ka ah Radio Deegaan oo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa muddo ka badan toban cishe u xiran ciidanka Danab.

4/29/2021 8:38 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay si deg deg ah wax uga qabtaan baabi'inta hindise sharciyeedka jihaynta doorashooyinka ee la meel mariyay 12 bishaan Abril.

4/29/2021 8:26 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Guddiga Wadamada Ciidamada ku biiriyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanaa inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka si go'aannadii 12 Febraayo dib looga noqdo, iyo sidoo kale inuu ku laabto heshiiskii doorasho ee 17 Sebtember.

4/29/2021 7:11 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

4/29/2021 1:49 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay madaxda dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo xubno ka tirsan midowga Musharixiinta dalka.