4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka Amisom oo soo dhoweeyay in madaxweyne Farmaajo uu ka laabto muddo kororsigii barlamaanka
 

Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Guddiga Wadamada Ciidamada ku biiriyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanaa inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka si go'aannadii 12 Febraayo dib looga noqdo, iyo sidoo kale inuu ku laabto heshiiskii doorasho ee 17 Sebtember.

Kulanka guddigan ayaa walaac looga muujiyey xaaladda Soomaaliya ay hada ku jirto oo marba marka kasii dambeysa kasii daraysa, waxaana lagu celceliyey baaqyo ah in la qaado talaabooyin kalsooni leh iyo in dib loo bilaabo wada hadalo sal balaaran oo loo dhan yahay si loo helo is afgarad ku aadan wadada loo marayo doorashada.

Wadamada ku deeqay Ciidamada AMISOM ayaa ku celceliyay baahida loo qabo ficillada go'aan qaadashada ah ee AU iyo AMISOM si loo joogteeyo guulaha la taaban karo ee laga gaaray taageerada AMISOM, oo ay ku jiraan horumarka laga sameeyay kor u qaadista hannaanka dowladnimada, iyo gargaarka looga baahan yahay howlaha doorashooyinka.

Guddiga waxay carrabka ku adkeeyeen in AMISOM ay ka fogaato in ay ku milmaan siyaasadaha is diidan ee Soomaaliya, laakiin ay ahaato mid dhexdhexaad ka ah dhinacyada siyaasadda ku kala duwan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online