4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhaw warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado aay tahay iyadoo lagu jiro bil Ramadaan inuu dagaal dhiig ku daato uu ka dhaco Muqdisho iyadoo laga baaqsan karay in la dagaalamo.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha la isku haayo aay tahay arrimo siyaasadeed aayna muhiim tahay in lahelo xal siyaasadeed nabadeed oo lagu heshiin karo, waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Raysal wasaare Rooble oo uu sheegay inuu wado dadaalo xal looga gaarayo xiisada siyaasadeed ee Muqdisho ka aloolsan.

"Xalka waa inuu noqdaa mid siyaasi ah oo meesha aay hada taagan tahay aysan dhaafin, waxaan dalbanayaa in laga shaqeeyo nabadda iyo in doorasho la aado si loo kala badbaado" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ku eedeyay dagaaladii ka dhacay Muqdisho iney masuuliyadeeda leeyihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka, islamarkaana sheegay inaanu xiligaan dalku xamili karin muddo kororsi,

Shariif Sheekh Axmed ayaa u mahadceliyay Beesha Caalamka kaalintii aay ka qaateen arrimaha cakiran ee dalka iyo waliba dadaaladoodii ku aadana iney heshisiiyaan hoggaamiyaasha Soomalida.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]