4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Xisbiga Waddani oo ka hadlay xadhiga musharax Qaasim Aadan Saleebaan
 

Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in sifo sharci darro ah lagu xidhay musharax Qaasim Aadan Saleeban oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Xogeeyaha ayaa booliiska ku eedeeyay in ay sifo sharci daro ah u maraan xadhiga musharixiinta, isaga oo sheegay in hab dhaqanka booliisku uu caqabad ku yahay doorashada.

“Ta ugu daran ee maanta taagan carqalad weyna doorashada ku ahi waa hab qadhanka booliiska iyo sida loo xidh xidhayo musharixiinta” ayuu yidhi xogeeyuhu.

“Xeerka doorashooyinku wuxu dhigaya in musharax ay guddida doorashooyinku si rasmi ah usoo saree aan la xidhi karin hadii aanu danbi faraha kula jirin”.

“Sharcigaasi waa cadyahay hadii cid sharci ixtiraamaysa ay waddankan ku nooshahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xogeeyaha ayaa sheegay in musharax walba inta aan la ogolaan uu xeer ilaalinta kasoo qaato warqada danbi-la’aanta taasi oo musharixiinta xidhani ay soo mareen.

Xogeeyaha ayaa sheegay in madama oo uu musharaxoodu soo qaatay warqada dabi la’aanta ay taasi ka dhigantahay in aanu danbina galin danbina ku jirin.

Khadar Xuseen ayaa ah masuul kii labaad ee katirsan xisbiga Waddani oo ka hadla xadhiga musharax Qasim Aadan Saleeban

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]