4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Rooble oo ugu baaqay dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan

 

Arbaco, April, 27, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ugu baaqay dadkii dhawaan ka barakacay dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in xal laga gaaray sida uu hadalka u dhigay xiisadii taagneyd, waxaana uu ciidamada ugu baaqay in ay dadka u fuddudeeyaan sidii dib guryahooda ugu soo laaban lahaayeen.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu shalay soo saaray si toos ah uga horyimid go'aankii muddo korarsiga uu dhawaan gaaray Baarlamaanka Soomaaliya isaga oo ku baaqay in la aado doorasho deg deg ah oo ku dhacda wadar ogol

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]