4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Madaxweyne Biixi “Soomaaliya dadka hogaamiya iyo siyaasiyiinta tala xumadooda ayaanu is haynaaye shacbiga marna dhibaato lama rabno”
 

Arbaco, April, 28, 2021 (HOL)  - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibaatada ka dhacday Muqdisho, isla markaana ay madaxda Soomaaliya dhibka mid lamid ah 30 sano ku hayeen Somaliland.

Madaxweynaha oo ka qayb galay daafurka mashaariic laga hirgaliyay magaalada Berbera, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dhibaatada ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Dowlada xamar ka dhisani dhibaatada ay ku hayso shacabkeeda, iyo qaxa ay galisay aad iyo aad baanu uga xunahay” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

“Soomaaliya maamulka iyo dadka hogaamiya iyo siyaasiyiinta tala xumadooda ayaanu is haynaaye, shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, hadanu wax hayno waanu u gurman lahayn”.

“Mar iyo laba ay dhibaatooyin ka dhaceen Baladweyne iyo Jawhar ba waanu u gurmanay, maantana aad baanu uga xumanay markaanu aragnay Xamar oo dagaal dib uga bilaabmay” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay masuul ka tahay dhibaatooyinka ka dhacay caasimada Soomaaliya.

“Eeda waxa leh dowladii hogaanka haysay oo damacday dadka in anay dhagaysan iyada oo uu wakhtigeedi dhamaday” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

“Waxa Alle mahadii ah in caalamkii oodhan iyo shacab oo dhami ku qasbeen maanta dowladii dhagaha adkayd, inay kusoo noqoto halkii shacabka iyo caalam kuba la rabeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay dhibatada ay shacabka Muqdisho maanta dareemeen ay Somaliland ku hayeen muddo 30 sano ah, waa sida uu hadalkiisa u dhigaye.

Hadalka madaxweynaha Somailand, ayaa imanaya xili uu maalmihii laso dhaafay uu qalalaase siyaasadeed ka taagnaa magaalada Muqdisho.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]