4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Puntland oo shaacisay in aysan ka qeyb galidoonin shir uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay
 

Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galidoonin shir uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo looga arrinsandoono arrimaha doorashada, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii 17 september.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacadde oo la hadlayay BBC ayaa u sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan haysan sharciyad uu ku maamulo shir doorasho, wuxuuna sheegay in ay beesha caalamka ka codsanayaan in ay isugu yeeraan hoggaamiyaasha siyaasada una kala garnaqaan.

Wasiir Timacadde ayaa tilmaamay in ay tabasho ka qabaan heshiiska 17 september, iyagoo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ku tuntay habraacyo heshiiskaas ku jiray oo uu diiday inuu aqoonsado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtida hortagidoona barlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu u gudbindoono in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17 september.

Puntland waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in madaxweyne Famaajo uusan daacad ka ahayn arrimaha doorashada islamarkaana uu doonayo in isqab qabsiga doorashada ee weli halkiisa kasii socdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online