6/16/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Qaramada Midoobay oo Bayaan kasoo saartay barakaca ballaaran ee ka socda magaalada Muqdisho


 

Arbaco, April 28, 2021 (HOL) -  Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in qiyaastii 60,000 ilaa 100,000 qof lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda magaalada Muqdisho ka dib markii ay rabshado ka qarxeen 25kii Abriil.

ku simaha Isuduwaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya Cesar Arroyo, ayaa sheegay, marka laga soo tago barakicinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, in rabshadihii ugu horeeyay ay abuureen hubin la'aan iyo cabsi ah carqaladeynta gargaarka bani'aadamnimada boqolaal kun oo dad nugul ah.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Sanadkan, barakaca la xiriira colaadaha ayaa kusii kordhay Soomaaliya. Tan iyo bishii Jannaayo, qiyaastii 173,000 oo qof ayaa ku barokacay.

50,000 oo sidoo kale ku barokacay rabshado ka dhacay 19 tuulo oo ka tirsan Berdaale oo katirsan Koonfur Galbeed, Gaalkacyo oo katirsan Mudug iyo Cabudwaaq oo ah gobolka Galgaduud.

“Iskahorimaadyada hubaysan waa ay sii kordhayaan waxayna si aan kala sooc lahayn u saameeyaan kuwa ugu nugul. Si ka duwan labadii sano ee la soo dhaafay, barakaca ugu badan ee sanadkan ka jira Soomaaliya waa mid la xiriira colaadaha. Waxaan ka codsanayaa dhinacyada isku dhaca inay xushmeeyaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimada iyo waajibaadka ka saaran ilaalinta shacabka,” ayuu yiri Mr Arroyo. "

UNOCHA ayaa sheegtay qorshaha Kajawaabida Bini'aadanimada Soomaaliya ee 2021 (HRP) inuu  u baahan yahay US $ 1.09 bilyan si loo caawiyo afar milyan oo qof Laga bilaabo maanta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online











Click here
4/28/2021 12:22 PM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaya in barlamaanku mooshin ka wado raysal Wasaare Rooble, si xilka looga tuuro.

4/28/2021 10:36 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in sifo sharci darro ah lagu xidhay musharax Qaasim Aadan Saleeban oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

4/28/2021 10:32 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta laga qaaday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ciidamo ka tirsanaa Haramcad oo ku sugnaa Baledweyne shantii bilood ee lasoo dhaafay kuwaas oo diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

4/28/2021 8:56 AM EST
Arbaco, April, 27, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ugu baaqay dadkii dhawaan ka barakacay dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

4/28/2021 8:53 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibaatada ka dhacday Muqdisho, isla markaana ay madaxda Soomaaliya dhibka mid lamid ah 30 sano ku hayeen Somaliland.

4/28/2021 8:40 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galidoonin shir uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo looga arrinsandoono arrimaha doorashada, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii 17 september.

4/28/2021 8:05 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay musharixiinta xidhan iyo qaar kale oo ay kudaba jiraanba ay ku hayaan faldanbiyeedyo ah in ay samaysteen shahaadooyin foojari ah.

4/28/2021 7:44 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho kaasoo saakay waabarigii hore ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku taala Ex Koontarool Afgooye.

4/28/2021 3:01 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo ciidanka reer Muqdisho ku hambalyeeyay kacdoonka ay kaga soo horjeedeen muddo korodhsiga dowlada madaxweyne Farmaajo.

4/28/2021 2:51 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay xidheen askari, uu muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay isagoo gabadh gacan u qaadaya.

4/28/2021 1:53 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad toos ah u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay go'aankii ay qaateen dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17kii September,