4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Faysal Cali Waraabe oo hambalyo u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho
 

Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo ciidanka reer Muqdisho ku hambalyeeyay kacdoonka ay kaga soo horjeedeen muddo korodhsiga dowlada madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha oo aad ugu riyaaqay in lasoo afjaro muddo kordhintii dowlada Farmaajo ayaa yidhi “waxan hambalyaynaynaa saraakiisha iyo ciidanka Muqdisho ee ka dhiidhiyay wixii laynagu hayn jiray”.

“waxanu leenahay Muqdisho ma toostay heeryadiina ma tuurtay, Farmajana ma tuurtay baanu leenahay”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay hore ugu hiiliyeen shacabka Somaliland.

“Waxanu leenahay hambalyo hambalyo, anaga reer Muqdisho waa kuwii noohiiliyay, kuwayaga kalkaase Farmaajo u hiiliyayna nooso dhiiba halkan ayaanu maxkamad ku saaraynaaye” ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal, ayaa kamid ahaa dadka aadka uga soo horjeeday dowlada madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan  Online
[email protected]