3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
IGAD oo soo dhoweeysay in dib loo bilaabo wada hadalka Saamileyda siyaasadda Soomaaliya
 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka ka dhexeeya saamilayda siyaasada Soomaaliya, si loo xaliyo ismari waaga.

Qoraal ay soo saartay IGAD waxay ku sheegtay in Wadahadalku uu yahay  geedi socod muhiim ah oo dhaliya  kalsooni iyo dhammaystirka dhammaan arrimaha hortaagan doorashada.

IGAD waxay ku dhiiri galisay dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, ayna dib u galaan wada hadal furan oo wax ku ool ah iyadoo la fiirinayo danta ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

IGAD waxay kaloo si aad ah ugu boorisay dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojinaysa xiisadaha ama isku dhac keeni kara.

Waxay ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha inay mudnaanta siiyaan wadahadalka himiladooda siyaasadeed.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/21/2021 10:31 AM EST
Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw lagu dilay allaha u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada wadankaasi Koofir Afrika.

4/21/2021 9:41 AM EST
Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo shacab ah laba ka mid ahna aay dumar yihiin ayaa ku dhintay Hoobiyeyaal Duhurnimadii maanta kusoo dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda waxaana ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo caruur u badan.

4/21/2021 8:41 AM EST
Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa faahfaahin ka bixiyay dueymo lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo lala bartilmaameedsaday xili aay u diyaar garoobayeen qaadista weeraro.

4/21/2021 7:02 AM EST
Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in tiro Hoobiyeyaal ah kusoo dhaceen.

4/21/2021 5:54 AM EST
Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday shabakad katirsan Alshabab, oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo lagu helay in ay dilal ka geysteen Gaalkacyo.

4/21/2021 4:28 AM EST
Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Puntland ayaa bilowday maxkamadaynta shan eedeesane oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab islamarkaana loo haysto dilalkii Gaalkacyo ka dhacay tan iyo sanadkii 2008.

4/21/2021 1:34 AM EST
Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Golaha Amaanka ee Qarramada Midoobey ayaa kulan ay albaabada u xirran u xiran yihiin uga doodday xaalada siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalladii Afisiyooni.