4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
Maamulka Sh/hoose oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab
 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa faahfaahin ka bixiyay dueymo lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo lala bartilmaameedsaday xili aay u diyaar garoobayeen qaadista weeraro.

Guddoomiye Siidii ayaa sheegay in dhowr iyo toban dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay weerar xaga cirka ah oo aay fuliyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helikabtarka ee ciidamada Ugandha oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Diyaaradaha Helikabtarada ayaa si toos ah u beegsaday Kolanyo gaadiid ah oo aay wateen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab xili aay doonayeen ineey weeraro soo qaadaan.

"Ciidamada Ugandha waxay duqeeyeen dhowr tuulo oo aay Shabaab doonayeen ineey kasoo qaadaan weeraro la xiriira bisha Ramadaan wayna ka hortageen ciidamada weeraradaasi" ayuu yiri guddoomiye Siidii.

Guddoomiye Cabduqaadir Sidii  ayaa sidoo kale sheegay in weerarka lagu qaaday shabaab aay ku burburiyay Gaari Cabdi bile ah oo marayay inta u dhaxeysa tuulooyinka Kili Asaayle iyo Tawakal ee gobolka Sh/hoose.

Marka laga soo tago hadalka guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Cabduqaadir Nuur Siidii majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shbaab oo la xariira weerarka duqeynta ah ee maamulka Sh/hoose sheegtay in lagu dilay dagaalamayaal ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]