4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
Puntland oo maxkamad soo taagtay eedeeysanayaal loo haystay in ay Gaalkacyo ka fulin jireen dilalka qorshaysan tan iyo 2008
 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Puntland ayaa bilowday maxkamadaynta shan eedeesane oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab islamarkaana loo haysto dilalkii Gaalkacyo ka dhacay tan iyo sanadkii 2008.

Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ayaa sheegay in shantan eedeeysane loo hayo caddaymo rasmi ah oo ku saabsan in ay dileen saraakiil dowladdeed, nabadoono, ganacsato iyo weriyayaal.

Xarunta maxkamada ayaa lagusoo bandhigay muuqaallo laga duubay eedeesanayasha oo ay ku qiranayaan in ay ka dambeeyaan dilalka lagusoo eedeeyay oo intooda badan ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Maxkamada ayaa maanta lagu wadaa inay mar kale dhegaysto dacwada eedeeysanayaasha, kuwaas oo shalay qareemadoodu ay codsadeen in la siiyo fursad ay difaacaan eedeeysanayaasha.

Ragga maxkamada la horkeenay ayay Puntland ku sheegtay in ahaayeen shabakad dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka fulisa magaalada Gaalkacyo, waxaana dadka lagu eedeeyay in ay dileen kamid ah weriyayaasha kala ah, Farxaan Jeenis Cabdulle oo la dilay 2012 iyo Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo la dilay 2014.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online