4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Beesha Hawiye oo ku dhawaaqday ineysan Farmaajo u aqoonsaneen Madaxweyne Soomaaliyeed
 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Kadib kulan ballaaran oo aay maanta isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa aay si weyn uga soo horjeesteen muddo kordhinta aay dhawaan sameeyeen Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka dadkii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashii hore ee dalka, Xildhibaano, Waxgarad iyo Siyaasiyiin caan ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Beelaha Hawiye.

War murtiyeed kasoo baxay Kulanka ayaa lagu sheegay in dhamaan kasoo qeybgalayaasha aay isku raaceen inaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo aqoonsanen inuu yahay madaxweyne Soomaaliyeed, iyagoona tilmaamay iney qaadi doonaan tilaabo ka dhan maamulka Farmaajo hadii aay sii socdaan dhibaatoyinka lagu haayo Siyaasiyiinta degan Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Beelaha Hawiye madaxda maamul goboleedyada dalka iyo saamileyda siyaasadeed ugu baaqeen iney shir wadatashi ah isugu yimadaan si looga wadahadlo doorashada dalka, ayadoo aanan loo xayirneyn madxweynaha muddi xileedkiisa dhamaaday.

Gabagabadii waxay digniin adag u direen Beelaha Hawiye Taliyeyaasha ciidamada Dhulka, Booliiska iyo Nabadsugida kuwaas oo aay ku eedeyeen iney sigaar ah ugu shaqeyaan muddo kordhinta madaxweyne Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]