3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 2 , 2021
Corona Virus oo kusii faafaya Kismaayo


Jimco, April, 02, 2021 (HOL) -Bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa aad u hadal haya dhimashada dadka waaweyn oo maalmihii u danbeeyay isa soo tareeysay, taasoo loo aaneeynayo in uu sabab u yahay cudurka dilaaga ah ee Covid19.

Baaritaannadii ugu danbeeyay ee ay sameeysay wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa muujinaya in uu cudurku aad ugu faafayo bulshada.

31-da bishii dhamaatay ee Maarso baaritaan lagu sameeyay 27 qof ayaa laga helay 18 kamid ah, waxaana isla maalintaasi cudurka u geeriyootay 3 qof,  halka baaritaankii ugu danbeeyay ee 1-ka bisha April la baaray 19 qof, ayadoo 8 kamid ah laga helay cudurka, tirada guud ee dadka laga helay cudurka ee Jubbaland ayaa gaareeysa 691 qof, halka dhimashada ay gaartay 33 qof.

Inkastoo tiradaaasi ay tahay dadka baaritaannada lagu sameeyay ee ayaga iskood u tagay goobaha baaritaanka ayaa hadana waxaa isa soo taraysay dhimashada dadka da’da ah, kuwaa oo la tuhunsanyahay in ay u le’anayaan cudurka Covid19.

C/laahi Aadan Xasan, Madaxa wacyigelinta ee wasaaraadda caafimaadka Jubbaland ayaa HOL u sheegay in dad aad u yar ay iska baaraan cudurka, taasoo kaliftay buu yiri in la ogaan waayo tirada saxda ah ee uu cudurku haleelay, wuxuu intaa ku daray in u kuurgalid ay ku sameeyeen sababaha dhimashada dadka da’da ah ee kusoo badaneeysa magaalada ay intooda badan lahaayeen astaamo kamid ah kuwa cudurka Corona Virus.

 “Dadku waxay u baahanyihiin wacyigelin ballaaran, qofka marka uu xanuunsado ma baaraan, waxaa macquul ah in hal qof oo cudurka qabo uu dad badan si fudud ugu gudbiyo, ayadoo aan la ogeyn, xitaa marka uu qofku geeriyoodo, dad aad u badan ayaa lagu raacaa, taasoo sii sahleeysa faafitaanka cudurka,” ayuu yiri C/laahi oo la hadlay HOL.

Ibraahim Cabdi, waxa uu kamid yahay dadka ku shaqeysta xawaale-qodista ee magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay in mudooyinkii u danbeeyay ay aad u korortay dhimashada, isagoo xusay in xilliyadii hore dad yar la keeni jiray qabuuraha, balse mudooyinkan danbe ay aad usoo badaneeyso dhimashada, waxa uu sheegay in manta gelinkii hore ay aaseen 9 meyd oo loo keeay, shalay iyo daraadna ay aaseen 18 qof, tiradaa oo uu sheegay in ay tahay mid aad uga badan sidii caadiga ahayd, wuxuu intaa ku daray in ay keensadeen gaadiid cagaf-cagaf ah si ay u fududeeyaan qabuuro-qodista.

Tallaalka cudurka Covid19 ee la geeyay Jubbaland


Inkastoo qatarta cudurka ay sii badaneeyso, ayaa hadana waxaa dhawaan soo gaaray deegaannada Jubbaland tallaalka kahortagga cudurka corona Virus, waxaana guud ahaan Jubbaland lasoo gaarsiiyay 30,000 oo tallaal ah, ayadoo 15,000 loogu talogalay gobolka J/hoose, halka 15,000 la geeyay gobolka Gedo.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ay si habsami leh u socoto shaqada tallaalka, ayadoo adeegga laga bixinayo inta badan xarumaha caafimaadka ee magaalada, waxaana dadka ugu badan ee cudurka iska talaalayo ay yihiin dadka ka weyn 50-ka sano, sida ay inoo xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Jubbaland.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa welwel badan ka qaba sii faafitaanka cudurka, iyo fahan la’aanta heeysata bulshada, waxayna ugu baaqeen wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaiya iyo tan Jubbaland in ay xoojiyaan wacyigelinta bulshada.

“Dadku way baaba’ayaan haddii xaaladdan lagu sii fiirsado, cudurku aad ayuu bulshada ugu dhex faafay, waa in la xoojiyaa baaritaanka iyo wacyigelinta bulshada, waxaan sidoo kale ku talinayaa in la xakameeyo isu imaatinka, oo la xiro goobaha waxbarashada,” ayuu yiri Dr. Nuuradiin C/laahi oo kamid ah dhaqaatiirta magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Jubbaland, Dr. Mursal Maxamed Khaliif oo aan wax ka weeydiinnay tallaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen kuwaa oo lagu xakameeynayo cudurka ayaa sheegay in ay dadaallo wadaan, balse waxa uu xusay in dhinaca dowladda federaalka ee Soomaaliya uu ka xayiranyihiin dhaqaale gaaraya 500,000$ oo loogu talogalay wacyigelinta bulshada, taasoo uu xusay in ay ahayd in mar hore lagu wareejiyo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Inkastoo uu cudurku kusii faafayo magaalada Kismaayo, ayaa hadana waxaan muuqan tallaabooyin lagu xakameeynayo cudurka oo ilaa hadda ay qaadday dowlad goboleedka Jubbaland, haddii ay ahaan lahayd in la xadido isu imaatinka bulshada, goobaha waxbarashada, masaajidda IWM.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/2/2021 4:01 PM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa markii ugu horraysay ka hadlay wararka ku saabsan in dowladda federalka ay xanibtay diyaarad ka degi lahayd deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

4/2/2021 10:14 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka dowlad deegaanka Soomalida Mustafe Cagjar ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle iney ka qeyb qaataan ilaalinta xaduudaha aay wadagaan oo uu sheegay in habac sanaan ka jirto.

4/2/2021 9:25 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijiyay ilaa 36 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waay ku dhaawacmeen shilkan Tareen ee ka dhacay Taiwan sida aay ku waramayaan Warbaahinta dalkaasi.

4/2/2021 9:11 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Soomaaliya.

4/2/2021 8:09 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in dib loo furay qaadashada Baasaboorka Soomaaliga oo horay loo joojiyay sababo la xariiray cudurka COVID-19.

4/2/2021 5:20 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Puntland ayaa shaacisay in ay ka qeyb galayso shirka madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah, kaasoo la shaaciyay inuu dhacayo maalinta berrito ah oo ku beegan saddexda Abril.

4/2/2021 2:14 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - 805 askari oo ka mid ah ciidanka booliska ee degaanka Soomaalida ayaa ka qalin jabiyay kulliyadda tababarada booliska ee degaanka.

4/2/2021 1:21 AM EST
Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Kaddib dadaallo maalmiihii ugu danbeeyayba ay waddeen wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in maalinta berri ah kulan hor dhac ka yeeshaan mashkaladaha ku xeeran doorashada madaxda DF, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.