4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 2 , 2021
Dufcaddii 12aad ee Ciidanka Booliska DDS oo maanta qalinjabiyay
 

Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - 805 askari oo ka mid ah ciidanka booliska ee degaanka Soomaalida ayaa ka qalin jabiyay kulliyadda tababarada booliska ee degaanka.

Waxaana kasoo qayb galay xafladdii qalinjabinta booliska, Madaxwaynaha degaanka Mustafe cagjar, ku xigeenkiisa, iyo mas'uuliyiin kale.

Haddaba Madaxwayne Mustafe oo hadalo kooban kasoo jeediyay xafladdan ayaa ugu horayn u hambalyeeyey ciidankan booliska ee qalinjabiyay, wuxuuna sheegay inay dufcaddani tahay tii u horaysay ee boolis caadi ah ee qalinjabiya wixii isbaddalka ka dambeeyay.

Madaxwaynaha ayaa ugu dambayn ciidankii booliska ee qalinjabiyay kula dardaarmay inay si daacadnimo ah ugu adeegaan shacabka, isla markaana ilaaliyaan xuquuqda Aadanaha.

Qalinjabintan ayaa kusoo hagaagaysa xilli la filayo dhawaan inay doorasho ka dhacdo dalka Itoobiya, iyadoo qayb kamid ah ciidankan booliska ay u tababaran yihiin qaabkii rabshadaha looga hortagi lahaa.


Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]