4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 19, 2021
Madaxweyne Farmaajo: Midowga Afrika ayaa kaalin hoggaamineed ka qaadanaya geeddi-socodka doorashooyinka

Isniin, April, 19, 2021 (HOL) -  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyada Dimoqaradiga ee Koongo sheegay Midowga Afrika inuu kaalin hoggaamineed ka qaadanayo fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka Dalka.

Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii Madaxweynaha uu la kulmay galinkii dambe ee Isniinta maanta dhiggiisa Koongo, Felix Tshisekedi oo sidoo kalena ah guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

” Waxaan soo dhaweynayaa Midowga Afrika inay kaalin hoggaamineed ka qaadato fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka oo muwaadin kasta uu ku dooranayo wakiillada iyada oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah.” ayuu yiri Madaxweyne oo hadlay markii uu soo dhammaaday kulanka dhiggiisa Koongo, Felix Tshisekedi.

“Dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed waxay si firfircoon uga qaybqaadan doonaan wadahadalka ku saabsan mustaqbalka dimuqraadiyaddayada.” ayuu ku daray.

Dhinaca kalena, madaxtooyada Jamhuuriyada Dimoqaradiga ee Koongo ayaa sheegtay inay labada madaxweyne ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Warka ayaa inta ku daray inay labada madaxweyne yeesheen wada-hadalo socday muddo laba saacadood ah. Warbixinta waxaa kalo lagu xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday madaxweyne Tshisekedi in isagoo ciyaaraya doorkiisa madaxweynaha Midowga Afrika inuu fududeeyo islamarkaana dusha kala socdo wada-xaajood dhexmara saamilayda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in madaxweynaha DRC uu soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya inuu Midowga Afrika u furo dhammaan Soomaalida sidii loo gaari lahaa xal iyo nabad waarta.


Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay codsiga Farmaajo.

 “Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo.” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay Twitteerka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayuu Madaxweyne Farmaajo qalinka ku duugay qaraar Golaha Shacabka labo sanno uu ugu kordhiyay xil heyntiisa oo ku ekeyd 8dii February, fadhi ay yeesheen 12 bishan April , inkastoo ay tallaabadaas si aad ah uga soo hor jeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah dalalka beesha caalamka. 

Balse Go'aanka Baarlamaanka uu hay'adaha Dawladda Federaalka uu muddo kordhinta labada sano ah u sameyey ayaa ku soo beegmay xilli ay natiija la'aan ku soo dhammaadeen kulammo dhex marayey madaxda Dawladda federaalka, kuwo dowlad gobolleedyada oo xal looga raadinayey khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya.


Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]