6/19/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 19, 2021
Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay 66 maxbuus bisha Ramadaan awgeed


 

Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta cafis Guud u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada degaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa maxaabiistaan cafis ugu fidiyey talo soo jeedin ka timid wasaaradda caddaalada Puntland, iyadoo la eegayo fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaaladda caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed.

Tirada maxaabiista ugu badan ee la cafiyay ayaa ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, xabsigaas oo ah kan ugu weyn ee lagu hayo maxaabiista dambiyada kala duwan.

Saraakiisha xabsiga ayaa HOL u sheegay, maxaabiista la cafiyay in ay u xirnaayeen dambiyo fudud islamarkaana muddada xabsi hayntooda ay u dhimanayd wax yar.

Sanadkii hore, Puntland ayaa cafisay 194 maxbuus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online











Click here
4/19/2021 5:41 PM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyada Dimoqaradiga ee Koongo sheegay Midowga Afrika inuu kaalin hoggaamineed ka qaadanayo fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka Dalka.

4/19/2021 3:28 PM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi.

4/19/2021 10:42 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa wasaarada caafimaadka Somaliland ku wareejisay qalab shaybaadh oo ka kooban 8500 oo ah qalabka lagu baadho Covid-19 (Covid test) iyo 5 labtob.

4/19/2021 9:16 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, ayaa gacanta ku soo dhigay dagalamayaal katirsan Alshabaab ah kadib markii ay hawl-gal si wada-jir ah uga sameeyeen deeganada Gololey iyo Ceel-gelow oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe.

4/19/2021 5:14 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidamo Nigeria ah oo qeyb ka noqonaya howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

4/19/2021 1:38 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Kulmiye talada qabtay, anay Somaliland samayn horumarkii laga filayay.

4/19/2021 1:28 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil, kaddib markii xalay ciidamada dowladdu weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday oo marayay aaga Marinaaya ee Magaalada Muqdisho