4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 19, 2021
Ciidamo cusub oo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidamo Nigeria ah oo qeyb ka noqonaya howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo u badan saraakiil tiradoodana gaareyso 144 xubnood  ayaa la sheegay in ay dalka sii joogi doonaan muddo hal sano ah, iyaga oo taageero siin doona ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali  ayaa sheegay in 30 askari  qeyb ka ah ciidamadan cusub ee soo gaaray magaalada  la geyn doono  magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Horay waxaa dalka u sii joogay ciidamo fara badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo dowladda Soomaaliya gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]