6/19/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 19, 2021
Taliyihii hore ee NISA oo sheegay in uu ka badbaaday isku day dil


 

Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil, kaddib markii xalay ciidamada dowladdu weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday oo marayay aaga Marinaaya ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada weerarray ahaayeen kuwo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, laakiin loogu magacdarray Duufaan oo dhawaan la dajiyay goobtaasi.

Weerarka ayuu sheegay in uu ahaa mid ku dhacay si ku talagal ah madaama ay ogaayeen ciidamada ku sugnaa Bartakootarool ee lagu rasaaseeyay in uu ahaa taliyihii hay'adda Nabad-sugida.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca hay'addaha Amniga oo la xiriira eedeynta Cabdiraxmaan Tuuryare ee ah in ay weerarreen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
4/19/2021 5:41 PM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyada Dimoqaradiga ee Koongo sheegay Midowga Afrika inuu kaalin hoggaamineed ka qaadanayo fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka Dalka.

4/19/2021 3:28 PM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi.

4/19/2021 10:42 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa wasaarada caafimaadka Somaliland ku wareejisay qalab shaybaadh oo ka kooban 8500 oo ah qalabka lagu baadho Covid-19 (Covid test) iyo 5 labtob.

4/19/2021 9:16 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, ayaa gacanta ku soo dhigay dagalamayaal katirsan Alshabaab ah kadib markii ay hawl-gal si wada-jir ah uga sameeyeen deeganada Gololey iyo Ceel-gelow oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe.

4/19/2021 6:31 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta cafis Guud u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada degaanada Puntland.

4/19/2021 5:14 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidamo Nigeria ah oo qeyb ka noqonaya howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

4/19/2021 1:38 AM EST
Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Kulmiye talada qabtay, anay Somaliland samayn horumarkii laga filayay.