4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Somaliland : Xukuumada oo abuur (siidh) bilaash ah u qaybinaysa beeralayda
 

Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Wasaarada beeraha Somaliland, ayaa bilowday in ay beeralayda u qaybiso abuur waddani ah oo ka kooban Galay, hadhuudh iyo Diggir.

Abuurkan Waddaniga ah oo muddo 3 sano iyo badh ah ay waasaaradu ku kaydinaysay xarunta cilmibaadhista beeraha ee Abuuriin, ayaa la gaadhsiin doona beeralayda.

“Maanta halkan waxaynu ku qaybinaynaa siidh kii dalka kasoo go’ay ee ay soo saartay waaxda Soma seed, oo 3 dii sano ee ugu danbeeyay ay ku howlanayd” sida waxa yidhi wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.

“Siidhkan maanta la qaybinaya waa siidhkii dalka kasoo go’ay, maaha siidh dibada inooga yimiday” ayuu wasiirku hadalkiisa kusii daray.

Wasiirka ayaa sheegay in siidh (abuur) kan loo qaybin doono beeralayda gobolada Buuhoodle, Sanaag iyo Maroodijeex.

Abuurkan ayaa la rajaynaya in uu wax ka tari doono wax soo saarka beeralayda ku dhaqan gobolada la gaadhsiin doono.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraanonline
[email protected]