3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Sarkaal sare oo Qarax miino lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee Anadolu sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya iyo askari ilaalo u ahaa lagu dilay qarax miino deeganka Golaley oo hoostaga degmada Balacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe Sabtidii shalay

Sarkaalka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cabdi Tooxow ayaa isaga iyo ilaaladii la soctay lala eegtay miino la dhigay wadada dhinaceeda taasoo keentay in geeriyoodo.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa xaqiijiyay geerida sarkaalkan isaga oo tacsi u diray ehelada marxuumka.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka sarkaalkan, balse qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe waxaa marar badan oo hore weerarro noocan oo kale ka geystay xoogagga Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   


 














Click here
4/18/2021 4:03 PM EST
Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horreeyay ugu anbabaxay dalka Jamhuuriyadda Congo tan iyo markii dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya uu muddo korarsi labo sano ah ku sameeyay.

4/18/2021 1:51 PM EST
Axad, April 18, 2021 (HOL)- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kormeer ku tagey garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Muqdisho ee Aaden Cabdulle Cismaan iyo qeybta duulista Hawada Soomaaliya, ka dib markii uu shalay si rasmi ah xilka ula wareegay.

4/18/2021 12:48 PM EST
Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Alle ha u naxariisteen waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo Aqoonyahannada Soomaaliyeed.

4/18/2021 9:45 AM EST
Axad, April, 18, 2021 (HOL)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland ahna kusimaha wasiirka Liibaan Yusuf Cismaan, ayaa sheegay in adduunkii xoog iyo maal ba iskugu geeyeen dowlada Soomaaliya, Somaliland na iska indhatireen.

4/18/2021 9:34 AM EST
Axad, April, 18, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabatay lacag cadadkeeda aan la sheegin oo ka timid dhinaca Kenya.

4/18/2021 8:22 AM EST
Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Wasaarada beeraha Somaliland, ayaa bilowday in ay beeralayda u qaybiso abuur waddani ah oo ka kooban Galay, hadhuudh iyo Diggir.

4/18/2021 8:03 AM EST
Axad, April. 18. 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo isaga oo muddo xileedkiisa dhamaaday inuu xirtay albaabadii wadahadalka, isla mar ahaantaana sheegay in xiligan waxii ka dambeeya aysan u baahnen la kulankiisa.

4/18/2021 7:39 AM EST
Axad, April. 18. 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

4/18/2021 7:31 AM EST
Axad, April. 18. 2021 (HOL) - Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shitaqeey ayaa sheegay in Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

4/18/2021 7:19 AM EST
Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa bulshada uga digay khataro ay keeni karaan roobab waa weyn oo uu sheegay in ay ka di’i doonaan deegaanada Somaliland.

4/18/2021 2:03 AM EST
Axad, April. 18. 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho wali waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go'aankii uu dhawaantan Baarlamaanka Soomaaliya mudada labada sano ah ugu kordhiyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo