4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 17, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Taliyeyaal ciidan kuwa cusubna magacaabay
 

Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo Hay'adaha amniga Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xilka looga qaaday taliyeyaasha ciidamada Booliiska, ku xigeenkiisa iyo taliyaha guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland.

Wareegtada ayaa sidoo kale loogu magacaabay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska G/S Maxamed Cabdi Sheekh waxaana ku xigeenkiisa laga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan, taliyeyaashan cusub ayaa badalaya taliyeyaashii hore ee xilka qaadista lagu sameeyay.

Gabagabadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Nabadsugida maamulkiisa u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, waxaana wareegtada lagu faray dhamaan ciidamada iney la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay.

Hoos ka akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]