3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 17, 2021
Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulmay

 

Sabti, April, 17, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xalay la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen Odawaa Yuusuf Raagge.

Taliyaha oo taggay hoyga uu magaalada Muqdisho ka tagan yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa dhab ahaan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen labada dhinac .

Laakiin ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu ka dalbaday taliyaha ciidanka xoogga dalka in aan ciidamada loo adeegsan arrimaha siyaasadda.

Madaxweynayaashii hore  ayaa sheegay dhawaan in taallaabadii uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya ee muddo kordhinta ay horseedi karto in dalku dib dagaal ugu noqdo, waana tan ugu weyn ayaa leys leeyahay sababta kulanka labada mas'uul

Labadii maalmood ee la soo dhaafay magaaalada Muqdisho waxaa ka soconayay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda oo dhamaantood salka ku haya mudo korarsiga labada sano ee Baarlamaanku meel mariyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    
















Click here
4/17/2021 9:47 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

4/17/2021 7:44 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Teendhada Afisyooni shir kula leh Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

4/17/2021 7:43 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo Hay'adaha amniga Jubbaland.

4/17/2021 6:16 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Puntland.

4/17/2021 3:28 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo kula hadlayay bulshada rayidka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo sida uu hadalka u dhigay in uu dalka god ku riday.

4/17/2021 3:10 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameed shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu weerar ku hayay sida ay hadalka u dhigeen beel gaar ah.

4/17/2021 1:00 AM EST
Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey ayaa sheegay dowladdu in aysan wax dan ah ka lahayn in ay tallaabo ka qaado taliyihii hore ee ciiddanka booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon.