3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 16, 2021
Sideed ruux oo toogasho lagu dilay dalka Mareykanka

 

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Wararka imanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in xarunta Indianapolis FedEx  toogasho ka dhacday lagu dilay sadeed ruux.

Saraakiish Booliiska Indianapolis FedEx  ayaa sheegay in weerarkan uu geystay qof sida ay hadalka u dhigeen laftirkiisa markii danbe is dilay

Ciidamada ayaa xiray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo wada baaritaanno la xiriira sababta toogashadani keentay.

Sidoo kale weerarkan uu geystay qof la sheegay in uu is dilay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad kale oo goobta ku sugnaa.

Weerarrada noocan ah ayaa waayadii ugu danbeeyay ku soo badanayay dalka Mareykanka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
4/16/2021 6:07 PM EST
Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Gudoomiyihii degmadda Xamar jajab ee gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xayle ayaa caawa lagu dilay weerar lagu qaaday, xilli uu sii galayay gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.

4/16/2021 4:40 PM EST
Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya deegaanka Dhabar-dalool ee gobolka Sool, hay’adaha amnigana faray in ay gacan ku qabtaan dadka nabada burinaya.

4/16/2021 8:39 AM EST
Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Dagaalo u dhexeeya beelo walaalo oo kasoo wada jeeda gobolka Sool ayaa maalintii labaad ka socda degaano katirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool, oo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland.

4/16/2021 7:40 AM EST
Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Inta la ogyahay illaa hada 17 ruux ayaa ku dhintay dagaal saaka ka bilaabmay ceel biyood lagu magacaabo Dhabar-dalool, oo ku yaala ban la moodka Doodi ee badhtamaha dooxada Nugaal, waxaanu dhacaa badhtamaha Xuddun iyo Laascaanood.

4/16/2021 7:33 AM EST
Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Kulan labo maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray amniga Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

4/16/2021 2:33 AM EST
Jimco, April, 16, 2021 (HOL) -Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii Larry Edward André Jr u magacaabay in uu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

4/16/2021 1:57 AM EST
Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Saaka waaberigii ayaa markale rasaas ka bilaabantay Ceelka Dhabar-dalool oo dhaca jiida koonfureed ee degmada Xudun una dhow Tuulada Holhol.