4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Hay’ada Sahamiye foundation oo qalab caafimaad ku wareejisay xukuumada Somaliland
 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) - Haay’ada Sahamiye foundation, ayaa 1milyan iyo 300 oo kun oo afsaab, mishiinada neefta, mishiinada baadhista Covid-19, iyo jeermis dilayaal ku wareejisay xukuumada Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland DR. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in afsaab-yada loo qaybiindoono dadka bisha Ramadan ku cibaadaysanaya masaajidada.

“waxanu garanay wasaarad ahan in ay muhiim tahay in dadku iyagoo cibaadaysanaya ay afxidh kii qaataan, sida daradeed waxanu wasiirka diinta iyo u qaafta ku wareejinaynaa 1 milyan iyo 300 oo kun oo afsaab” ayuu yidhi Xergeeye.

“Waxakale oo alaabtan ku jira qalabka gacmaha lagu nadiifiyo, kasoo marka masaajidada lagalayo gacmaha lagu nadiifin doono”.

“Alaabtan waxa la socda mishiinada neefsashada iyo shaybaadhka Covid-19, deeqahani waa kuwo is daba jooga oo mulkiilaha WorldRemit ugu deeqay wasaarada” ayuu hadalkiisa kusii daray Xergeeye.

Dhinaca kale wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, aya umahad naqay Sahamiye foundation.

Deeqdan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ay hay’ada Sahamiye foundation ugu deeqdo xukuumada Somaliland  tan iyo markii uu mulkiilaha WorldRemit Ismaaciil Axmed si rasmiya u daahfuray.


Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]