4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Wararkii ugu dambeyay xaalada Muqdisho iyo Qoorqoor oo ku guuleystay dajinta xiisadii Muqdisho
 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta degan xaalada magaalada Muqdisho oo xalay laga dareemayay xaalad colaadeed, maadama laga cabsi qabay dagaalo dhexmara ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata taliyahii hore ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsiga ka shaqeyaay baajinta dagaal ka dhaca Muqdisho, kadib markii uu waan waan ka dhex bilaabay labada dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo Saadaq Joon waxaana warbaahinta loo xaqiijiyay in waan waantaasi aay aqbaleen labada dhinac si loo dejiyo xiisada colaadeed.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere Caliyare ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xaalada guud ee magaalada Muqdisho aay degan tahay, uuna kaga mahadcelinayo madaxweynaha Galmudug  oo uu sheegay inuu baajiyay wax uu ugu yeeray "Fowdo Siyaasadeed"

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Saadaq Joon lagu qanciyay inuu dib ugu labto hoygii uu ka deganaa Muqdisho.

Xiisada colaadeed ee xalay laga dareemay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale si weyn saameyn ugu dhex yeelatay baraha bulshada, waxaana arintaasi aay timid kadib markii la faafiyay warar sheegayay in dowladda aay qorsheysay weerar ka dhan ah taliyahii hore ee Booliiska gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ciidamo isaga ka amar qaata la degay xaafada Shiirkole.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]